Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay Keeni Kartaa Midowga Shabaab iyo Xisbul-Islaam?


Maxay Keeni Kartaa Midowga Shabaab iyo Xisbul-Islaam?
Maxay Keeni Kartaa Midowga Shabaab iyo Xisbul-Islaam?

Dr. Cali Axmed Hiraabe oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo degan Sweden ayaa qaba inaan wax isbedel ah ku keenayn xaaladda dagaalka.

Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam waa labo urur-diimeed oo ka mideysnaa dagaalka ay kula jireen dowladda KMG ah iyo ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika, hase yeeshee waxay ku kala aragti duwanaayeen xagga mabaadii'da marka laga hadlayo astaamaha qarannimo ee Soomaaliya.

Xisbul Islaam waxay aqoonsaneed astaanta calanka Soomaaliya, halka kooxda al-Shabaab ay calan madow sidato. Arrintaasi iyo arrimo kale ayay labada urur ku kala duwanaayeen, taasoo suuragal noqon weyday inay ku heshiiyaan kulamo ay dhowr jeer isugu yimaadeen si ay magac mideysan u qaataan.

Dagaalka dhexmaray labada urur ayaa gaaray meel aad u xun, ilaa kooxda Xisbul-Islaam ee uu hogaamiye u ahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys laga qabsaday deegaano badan oo ay ka mid tahay degmada Buur Hakaba. Waxayna awooddii Xisbul Islaam isugu soo ururtay degmada Afgooye.

Haddaba maxaa keenay inay isku darsamaan labada urur xilli uusan heshiis ka dhaxeynin, haddii midkood la qasbayna maxay ka bedeli kartaa xaaladda dagaalka ka socda Muqdisho.

Dr. Cali Axmed Hiraabe oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku xeel dheer arrimaha Soomaaliya oo ku sugan dalka Sweden ayaa VOA-da u sheegay in cududda labadan kooxood aysan waxba ka bedelayn xaaladda Soomaaliya.

Mana awoodi doonaan ayuu yiri inay ka takhalusaan dowladda KMG ah, inta ay AMISOM ku sugan tahay Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG