Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxamed Dheere oo Dowladda loo Dhiibay


Maxamed Dheere oo Dowladda loo Dhiibay
Maxamed Dheere oo Dowladda loo Dhiibay

Saraakiisha AMISOM oo horey gacanta ugu hayay Maxamed Dheere ayaa ku wareejiyay gacanta dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Saraakiisha hawlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya (AMISOM) ayaa ku wareejiyay Maxamed Dheere gacanta Dowladda.

Guddoomiyhii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb ayay ciidamada AMISOM xireen ka dib markii la tuhmay inuu ku lug lahaa dhacdo lagu xabadeeyay dad mudaaharaad sameynayay.

AMISOM ayaa sheegtay in Maxamed Dheere ay ku simeen gacanta dowladda si hawsha baaritaanka ay u sameyso dowladda.

Maxamed Dheere oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay inuusan wax dambi ah ku lug lahayn, uusan dhibna u arkin in sharciga la horgeeyo.

XS
SM
MD
LG