Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa u sababa Tarxiilka Sacuudiga


Hay'ado samafal oo UNHCR ay ka mid tahay ayaa cambaareeyay tarxiilka Soomaalida ku sugan Sacuudi Areebiya.

Sacuudi Areebiya ayaa si joogta ah dalkeeda uga tarxiisha amma musaafurisa dadka ajnabiga ah ee aan haysan sharciga joogitaanka.

Dadka ay Sacuudi Areebiya sida khasabka ah dalkeeda uga musaafuriso waxaa ka mid ah Soomaalida, oo ay dib ugu celiso magaalada Muqdisho oo ay dagaalo ka socdaan.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iyo hay’ado kale oo aan dowli ahayn ee loo yaqaan

NGOs ayaa tallaabadaasi lagu tarxiilayo Soomaalida laguna celiyo dal ay dagaalo ka socdaan ay aad u dhaliileen, iyagoo sheegay in tallaabada Sacuudigu ay halis ku tahay nolosha qaxootiga ay tarxiileyso.

Waxayna ugu baaqeen in Sacuudi Areebiya ay joojiso tarxiilkaasi. Haddaba maxaa ugu wacan in Sacuudi Areebiya ay si joogta ah u tarxiisho dadka ajnabiga, mase la haboon tahay in ay Soomaalida ku celiso magaalada Muqdisho oo ay dagaalo ka socdaan.

Waxaa arrintaasi ay VOA-du weydiisay qoraaga Soomaaliyeed, ahna Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaalida ee dalka Qadar, diblomaasi C/laahi Xuseen Xasan oo haatan ku sugan magaalada Dowxa.

XS
SM
MD
LG