Isku xirrada

Masar oo Shaacisay Doorasho Baarlamaan


Gabar Masri ah oo codeyneysa. (File Photo)

Gabar Masri ah oo codeyneysa. (File Photo)

Waxa ay noqonayaan doorashooyinkii ugu horreeyey ee dalkaasi ka qabsooma tan iyo markii hogaamiyihii milatariga Abdel Fattah el-Sisi uu xukunka xoog uga tuuray Morsi.

Dowladda Masar ayaa sheegtay Axaddii shalay inay doorashooyin baarlamani ah oo laba waji leh ay qaban doonto bilaha October iyo November ee sanadkan.

Waxa ay noqonayaan doorashooyinkii ugu horreeyey ee dalkaasi ka qabsooma tan iyo markii hogaamiyihii milatariga Abdel Fattah el-Sisi uu xukunka xoog uga tuuray madaxweynihii Islamiyiinta Masar, Mohamed Morsi, laba sanadood ka hor, ka hor inta aan isaga loo dooran madaxweyne.

Dalka Masar ayaa baarlaman la’aan ahaa tan iyo bishii June ee sanadkii 2012-kii markaa oo ay maxkmadda sare ay kala dirtay baarlamankii la soo doortay.

Wixii markaa ka dambeeyay Madaxweyne SISI ayaa dhowr sharci ku meel mariyay dikreeto madaxweyne.

Wariyeheenna Magaalada Qaahira, Xuseen Cusman Xuseen Saxnuuni ayaa warbixintan inoo soo diray.

XS
SM
MD
LG