Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Damaashaadyo ka socda Masar


Damaashaadyo ka socda Masar
Damaashaadyo ka socda Masar

Masar wali waxaa socda Dabaaldegyo. Militarigu wuxuu sheegay inay u hoggaansamayaan dhamaan heshiiyada Masar horey u gashay.

Dadweynaha dalka Masar ayaa wali wada damaashaadyo la xiriirra is-casilaaddii madaxweyne Xusni Mubaaraka oo shalay xukunka ka dagay kaddib 18 cisho oo ay socdeen dibedbaxyo looga dalbanayo inuu soo afjaro 30-ka sano ee xukunka hayay.

Ciidamada Militariga ayaa sheegay in xukuumaddii jirtay, gaar ahaan wasiirradu ay shaqadooda sii wataan ilaa iyo inta laga soo magacaabayo golle wasiirro oo cusub. Militarigu waxay kaloo sheegeen inay tixgalin doonaan dhamaan heshiisyada caalamiga ah ee dalka Masar uu horey u galay oo ay ka mid tahay heshiiskii nabadda ee ay la saxiixdeen Israel.

Dadweynihii faraha badnaa ee ku sugnaa fagaaraha xorriyada ayaa tiradoodu sii yaraatay maanta sabti ah. Xuseen Cismaan Saxnuuni oo ah safaxi ku sugan Qaahira ayaa sheegay dadkii ka qeybgalay dibadbaxyada iyo waliba ciidamada Militarigu ay bilaabeen inay nadiifiyaan goobihii lagu banaanbaxayay sida fagaaraha xorriyada ee bartamaha Qaahira.

XS
SM
MD
LG