Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibad Baxyo Ka Sii Socda Masar


Ciidmada Amaanka ee Masar ayaa u adeegsaday kumanaan kun oo mudaaharaadayaal ah gaaska dadka ka ilmeeysiiya iyo tubooyinka biyha xoogga leh tuura, dadkaas oo isugu soo baxay meel ku dhow dhismaha wasaaradda arimaha difaaca ee magaalada Qaahira, iyagoo dalbanayay in si dhaqsa ah loo soo afjaro xukunka Milatari ee dalkaasi gacanta ku haya.

Saraakiisha ayaa sheegay in hal askari la dilay ku dhawaad sadex boqol oo kalena la dhaawacay jimcihii shalay.

In ka badan 170 qof ayey sidoo kale xireen Ciidamada milatariga.

Goor sii horeysana Golaha milatariga ee dalkaasi Masar ka taliya , ayaa ku dhawaaqay bandow ay ku soo rogeen goobaha ku hareereysan dhismaha wasaaradda difaaca, halkaasoo badankoo kooxaha islaamiyiinta ahee mudaaharaadyada dhigayay ay ku sugnaayeen maalmo

Rabshadaha iyo gacan ka hadalka ayaa yimid laba maalin ka dib markii iska horimaad ka dhacay Qaahira ay ku dhinteen ugu yaraan 11 qof, in ka badan boqol kalena ay ku dhaawacmeen.

Doorasho madaxtinimo ayaa la filayaa inay dalkaasi ka dhacdo 23ka bishan iyo 24ka bishan.

XS
SM
MD
LG