Isku xirrada

War

Maryakanka: Burcad-badeed Dambi lagu Helay


Maryakanka: Burcad-badeed Dambi lagu Helay

Maryakanka: Burcad-badeed Dambi lagu Helay

Maxkamad ku taalla Maraykanka ayaa dambi ku heshay shan qof oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay burcad-badeednimo.

Shan qof oo Soomaali ah aya maxkamad ku taalla dalkan maraykanka waxa ay ku heshay dambiga ah in ay burcad badeed ahaayeen.

Dacwaddan oo ah tii ugu horaysay oo burcad-badeednimo la xariirta oo ay qaaddo maxkamad Maraykan ah in kabadan boqol sano

Shanta Nin ayaa lagu eedeeyay in ay horaantii sanadkan in ay weerareen markab dagaal oo uu Maraykanka leeyahay oo ku sugnaa badweynta India.

Markabka ayaa qayb ka ah maraakiibta caalamiga ah ee xeebaha Somalia ilaalada ka haya.

Wasaaradda Cadaaladda ee maraykanka ayaa sheegtay in talaabadani ay muujinayso in weerarka lagu qaaday marakb maraykan ah ay tahay fal dambiyeed.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay rajaynayaan in nimankaasi lagu xukumo xukun adag oo casahar u noqda burcad badeedda.

Dhalinyaradan ayaa mutaysanaya xabsi daa'in marka lagu dhawaaqo xukunkooda bisha Marach ee soo socota.

XS
SM
MD
LG