Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Martida Mikrafoonka: C/laahi Yuusuf


Martida Mikrafoonka: C/laahi Yuusuf
Martida Mikrafoonka: C/laahi Yuusuf

Madaxweynihii hore C/laahi Yusuf wuxuu barnaamijkan uga hadlayaa DKMG, heshiiskii Kampala iyo soo gelistii ciidamada Ethiopia ee Somalia

Madaxweynihii hore ee Somalia, C/laahi Yusuf oo marti ku ahaa barnaamijka Martida Mikrafoonka ee VOA ayaa soo dhaweeyay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay raisal-wasaare C/weli Max'ed Cali. C/laahi Yuusuf wuxuu wasiirrada cusub ku tilmaamay dhalinyaro aqoon leh, balse wuxuu xusay in laga rajaynayo muddada sannadka ah ee ay haystaan waxqabad badan oo uu ku jiro dhameystirka dastuurka Somalia.

C/laahi Yuusuf, mar uu ka hadlayay heshiiskii Kampala wuxuu sheegay in heshiiskaasi uu ahaa mid ay wateen dalal shisheeyo oo lagu qasbay dowladda KMG, isagoo sheegay in dowladda KMG aysan xor ahayn oo loo taliyo.

Madaxweynihii hore, mar uu ka hadlayay faragelintii ciidamada Ethiopia ee Somalia, wuxuu sheegay inuu raali ka ahaa imaanshahoodii kana mid ahaa dadkii u yeeray, iyadoo ujeeddadii faragelinta ciidamada Ethiopia ay ahayd mid lagu doonayay in Somalia hubka looga dhigo oo ay xasisho, balse haddii ay taasi isku beddeshay in dalka ay xukumaan uu isagu arrintaasi ka soo horjeestay diidayna inuu noqdo dabadhilif.

C/laahi Yusuf wuxuu kaloo wareysigan uga hadlay amni-darada ka jirta Puntland iyo waliba abaaraha koonfurta Somalia.

Wareysiga oo dhameysitan qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG