Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Martida Makrafoonka iyo Dhacdooyinka Tunisia


Martida Makrafoonka iyo Dhacdooyinka Tunisia
Martida Makrafoonka iyo Dhacdooyinka Tunisia

Barnaamijka waxa marti u ah Maxamed Jibriil Cilmi oo ah kabhiir ka tirsan Bankiga Hormarinta Afrika ee Tunisia

Madaxweynihii Tunisia Zaynal Caabdiin Bin Cali ayaa si kadis ah uga baxay dalkiisa, kadib markii ay dadweynaha reer Tunisia ay muddooyinkan wadeen Mudaaharaadiyo rabshado watay.

Cadhada dadweynaha ayaa ka kacday Sicir barar baaxadle iyo Shaqo la'aan soo food saartay dhalinyarada dalka.

Ben Cali ayaa 23 sano gacan bir ah ku maamuuliyay dalka, mana jirin saxaafad madax-bannaan, iyada si aad ahna loo xakameeyay adeegsiga Internetka.

Si aan wax uga ogaano siyaasadda, dhaqaalaha iyo nolosha Tunisia, waxa Barnaamijk Martida Makrafoonka ee Todobaadkan, marti u ah Maxamed Jibriil Cilmi oo ka tirsan Bankiga Horomarinta Afrika oo ay xaruuntiisu tahay dalka Tunisia.

Barnaamijka oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG