Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Martida Makrafoonka iyo Bashiir Good


Bashir Goth
Bashir Goth

Barnaamijka todobaadkan waxaa marti inoogu ah Qoraaga Soomaaliyeed ee Bashiir Sheekh Cumar Good.

Bashiir Sheekh Cumar Good waa qoraa dadku xiiseeyaan qoraaladiisa uu kaga faaloodo siyaasadda, dhaqanka iyo waayaha bulshada waana abwaan tix badan oo mug aqooneedi ku dheehantahay ka tiriyey waayaha Somalia, Afrika iyo adduunkaba.

Haddaba in kasta oo Bashiir aad loogu yaqaano qoraaladiisa ku soo baxa afka-Ingiriisida waxa jirta in uu magaciisu markii hore ku soo banbaxay dhinaca abwaanimada oo ilaa sideetanadii tixdiisa ay dad badan oo Somaaliyeed dhegeysan jireen.

Dhinaca tixda wuxu Bashiir kaga qayb galay silsiladii Deelay gabay la yidhaahdo Jabhad iyo dagaalkii (1980), waxa kale uu sagaal sano dabadeed isagu bilaabay sisilada laga magac baxday Xaamiim (1989) oo gabayaa badani ka qayb galeen.

Isaga oo Bashiir marxalad kasta oo ummadda Somaaliyeed maraysaba kaga hadlay tix iyo tiraaba waxa gabayadiisa kuwa ugu muhiimsan ka mid ah:

Badda weerar lagu qaad (1980), Guux (1981), Amar Dhacay (1982), Qarqarsi (1983), Soomaalaay Garaadkaa (1983), Sooyaal (1983), Afrikaay Warlaay (1984), Qiiro (1984), Xaamiim (1989), Laba-dhuux (1989), Miyir Qabow (1995), Baabulow libaax (1997), Qudbigii Suugaanta (2008) iyo qaar badan oo kale. Waxa ugu dambeeyey heesta la yidhaahdo Ha Iga Ooyine Aamu (January 2010) oo dhawaan ka baxday idaacada VOA iyo warbaahinta Somaalida oo dhan.

Hadaba Bashir wuxu marti inoogu yahay Barnaamijka isaga oo booqasho ku jooga magaalada Washington ayaanu ku waraysanay Xaruunta VOAda.

XS
SM
MD
LG