Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markabkii Maersk oo Afduub ku sigtay


Markabkii Maersk oo Afduub ku sigtay
Markabkii Maersk oo Afduub ku sigtay

Markabka Maersk waxaa uu ka badbaaday afduubka ka dib markii ay xabado digniin ah rideen ilaallo la socotay markabka.

Saraakiisha badaha ayaa sheegay in burcadbadeed Soomaali ah ay talaadadii shalay ahayd mar kale isku dayeen inay afduubaan Markab Maraykan oo labo sano ka hor ay burcadbadeeddu afduubatay.

Saraakiishu waxay sheegeen in dooni looga shakiyay inay la socdeen burcadbadeed ay u dhaqaaqday dhinaca markabka sitay calanka Maraykanka ee Maersk Alabama, isagoo marayay Badweynta India, hase yeeshee doonidu ay dib u laabatay ka dib markii koox ilaallo ahayd oo la socotay markabka ay rideen rasaas digniin ah.

Ma jiraan warar ka hadlaya khasaare inuu halkaasi ka dhacay.

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa hadda ka hor bishii April ee sanadkii 2009-kii afduubatay markabka Maersk Alabama, iyagoona gacanta ku dhigay kabtankii markabkaasi Richard Philips oo ay dhowr maamlood ku dul haysteen doon kuwa badbaadada ah.

Hawlgal shiish ku dilid ah, oo ay ciidamada Maraykanku fuliyeen ayaa lagu soo badbaadiyay Kabtan Philips.

Saddex ka mid ah burcadbadeeddii afduubkaasi ku lug lahayd ayaa lagu dilay hawlgalkaasi, mid afaraad oo iyaga ka tirsanaa oo ciidamada Maraykanku ay nolosha ku hayeen, kaasoo lagu magacaabo Cabduweli Cabdulqaadir Muuse, ayaa maxkamad ku taalla New York ay bishii hore ku xukuntay ku dhowaad 34 sano ooxabsi ah.

XS
SM
MD
LG