Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markab Xamuul oo la afduubtay


Burcad-badeedda ayaa afduubtay markab xamuul ah oo Greece laga leeyahay,waa markabkii afraad ee ay afduubtaan tan iyo maalintii Sabtida

Burcad-badeedda Somaalida ayaa afduubtay markab xamuul ah oo laga leeyahay dalka Greek, waxayna ku qabsadeen gacanka cadmeed meel u dhow xeebta dalka Cumaan.

Afduubkan ayaa noqonaya kii afraad ee la soo weriyo shantii cisho ee ugu danbaysay.

Howlgalka midowga Yurub ee ka dhanka ah burcad-badeedda ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay la wareegeen markabkan oo lagu magacaabo Eleni P.


Ciidanka xeebaha ee Greek ayaa sheegay in markabkan uu waday qalab biro ah, kana yimid Ukraine isagoo ku wajahnaa Shiinaha.

Shaqaalaha markabkan saaran ayaa lagu sheegay ilaa 23 qof oo intooda badan ay u dhasheen dalka Filipin

Tan iyo maalintii sabtida ee la soo dhaafay, burcad-badeedda ayaa qabsaday markab kiimiko sida oo Bulgaria calankeeda wata, dooni kaluumaysi oo Taiwan laga leeyahay iyo markab nooca kiimikada qaada oo Germany ka howlgalayay. Burcad-badeedda ayaa haatan haystan in kabadan darsino maraakiib ah, kuwaasoo ay u haystaa inay madax furasho ku helaan.

XS
SM
MD
LG