Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markab Soomaaliyeed oo Degay


Markab Soomaaliyeed oo Degay
Markab Soomaaliyeed oo Degay

Markab laga lahaa Somalia, una rarnaa ganacsato Soomaaliyeed ayaa ku degay xeebaha Yemen.

Markaban oo ay lahayd shirkad lagu magacaabo AlCaqiid General Trading, ayaa ku degay jasiiradda Soqotra ee dalka Yemen.

Markabkan oo lagu magacaabi jiray AlCaqiid Express ayaa deggay Khamiistii, iyadoo wixii maal saarnaana aanu waxba ka badbaadin.

Bashiir Khaliif Muse oo ah mid ka mid ah milkiilayaasha Markabka ayaa VOAda u sheegeay in la badbaadiyay shaqaalihii markabka saarnaa.

Waxa kale oo uu sheegay in sababta uu markabku u degay ay ahayd doofaano iyo dabaylo xooggan oo ku helay badweynta.

Markabka ayaa ku soo jeeday Somalia, waxaana uu ahaa nooca xamuulka qaada ee Cargo loo yaqaanno.

Bashiir ayaa sheegay in markabku uu rarnaa dad soomaaliyeed isla markaana aanu ku jirin wax caymis ah.

XS
SM
MD
LG