Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markab Madax Furasho Laga Bixiyay


Markab Madax Furasho Laga Bixiyay
Markab Madax Furasho Laga Bixiyay

Ciidamada badda ee Yurub ayaa sheegay in madax furasho ah laga bixiyay markab lagu haystay xeebaha Somalia.

Afhayeenka ayaa sheegay in lacagta la bixiyay maanta oo Jimce ah, waxaana uu tilmaamay in uu rajaynayo in Budhcaddu ay 24 saac gudohood ku sii daayaan markabka iyo shaqaalaha saaran.

Ilaa iyo imika shaaca lagama qaadin tirda lacagtaasi la bixiyay.

Markabkan oo ahaa noocoa Kiimikada qaada lagana lahaa dalka Singapore ayaa la qabsaday Horaantii bishii January ee sanadkan.

Shaqaalaha saaran markabkan ayaa isugu jira 17 u dhashay Indonesia iyo 5 u dhashay China, iyo mid u dhashay Vietnam.

Intabadan ciidamada caalamiga ah ee ku sugan xeebaha Somalia ayaa badbaadiyay weeraro ka dhacay agagaarka xeebaha u dhow Somalia.

Hase ahaatee budhcadbadeedda ayaa bilaabay in ay maraakibta ka soo afduubaan gudaha Badweynta India.

XS
SM
MD
LG