Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markab lagu Afduubtay Meel ku dhow Xeebaha Tanzania


Markab lagu Afduubtay Meel ku dhow Xeebaha Tanzania
Markab lagu Afduubtay Meel ku dhow Xeebaha Tanzania

Markabka la afduubtay waxaa uu xalay ka shiraacday dalka Kenya, wuxuuna ku sii jeeday dalka Koonfur Afrika.

Saraakiil dhanka badaha ah ayaa sheegay in burcadbadeed Soomaali ahi ay afduubteen markab xamuul iyo 15 shaqaale u dhashay dalka Hindiya oo markabkaasii la socotay.

Saraakiishu waxay sheegeen in markabka la afduubtay uu ku sii jeeday dalka Koonfur Afrika, kaasoo ka soo shiraacday dalka Kenya habeenkii xalay ahaa.

Kooxda burcadbadeeda ayaa markabkaasi ka afduubatay isagoo ku gooshayay meel ka baxsan xeebaha dalka Tanzania.

Dhacdo taa ka baxsan, ciidamada la dagaalanka burcadbadeedda ee Midowga Afrika ayaa waxay sheegeen in ay sii daayeen markab xambuul ah oo ay afduub ku haysteen kooxo burcadbaeed ah. Ciidamadu waxay sheegeen in markabka ay saarnaayeen 10 burcadbadeed ah iyo 7 shaqaalaha markabka oo markii hore lagy arkay meel ku dhow xeebaha Tanzania.

Maalintii Sabtida ahayd ayaa burcadbadeed Soomaali ihi waxay afduubteen markab xamuul ah, laakiin ay isaga tageen markabkaasi ka dib markii 12 ka tirsan shaqaalaha markabka oo u dhashay dalka Ukraine ay hoosta ka soo xirteen qolka Matoorka ee Markabka, taasoo ka hortagtay in burcadbadeedu ay markabka u jiheyso dhanka Soomaaliya.

Xoogagga la dagaalanka burcadbadeedda ee Yurub ayaa ka digay in weerarada burcadbadeedda Soomaalidu ay u muuqdaan inay soo kodhayaan, iyadoo laga baxay xilliga bad xiranka.

Burcadbadeeda Soomaalida ayaa maraakiibta ay afduubtaan ku sii daaya malaayiin doollar oo madaxfurasho ah.

XS
SM
MD
LG