Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markab lagu afduubtay biyaha badda Cas


Markab lagu afduubtay biyaha badda Cas
Markab lagu afduubtay biyaha badda Cas

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa badda cas ku afduubtay markab sida kiimiko oo ay saaran yihiin 18 shaqaale ah oo u dhashay Filiphines.

Burcad-badeed Soomali ah ayaa afduubtay Markab kiimiko sida oo ay saarnaayeen 18 shaqaale ah oo Filiphines u dhashay oo marayey badda cas.

Ciidamada howlgalka Ururka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcad badeedda ayaa ku warramay in markabka oo lagu magacaabo MT MOTIVATOR rasaas aan badnayn lagu furay dabeetana la qabsaday maalintii Axaddii aynu ka soo gudubnay .

Ciidamadu waxa ay intaasi ku dareen in markii la ogaaday weerarka, in isgaarsiintii markabku ay go’day. Midowga Yurub waxa ay xaqiijiyeen in markabkaasi gacanta lagu dhigay maanta oo Isniin ah .

Markabkan ayaa siday xaydha salliida oo gaadhays ilaa 13,000 Ton.

XS
SM
MD
LG