Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markab Kale oo Xamuul oo La Qabsaday


Pirates
Pirates

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa qabsaday markab kale oo xamuul oo ka diiwaan gashan Jasiiradda Seychelles.

Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa sheegay in markabkan oo lagu magacaabo MV Rak Africana la afduubtay maanta oo Axad ah, meel galbeedka ka xigta jasiiradaha Seychelles.

Ciidamada Midowga Yurub waxay sheegeen in markabkan oo ay leeyihiin shirkad ka diiwaan gashan Jasiiradaha Seychelles aan ilaa imika la ogeyn shaqaalaha saaran wadamada ay u dhasheen.

Burcad-badeedda Soomaaliya ayaa haatan gacanta ku haya 20 markab oo ay saaran yihiin ku dhawaad 300 shaqaale ah. Burcad-badeedda ayaa shalay sii daayay markab Turkey laga leeyahay oo ay saaran yihiin 25 shaqaale ah.

XS
SM
MD
LG