Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markab Dhuxul Sida oo Dekeda Muqdisho Ku Gubanaya


Markab Dhuxul Sida oo Dekeda Muqdisho Ku Gubanaya
Markab Dhuxul Sida oo Dekeda Muqdisho Ku Gubanaya

Markabkan ayaa dabka ka kacay Saqdi dhexe ee xalay, Waxaana shaqaalaha dekedu ay isku dayayeen inay damiyaan dabkaasi.

Markab xamuul sida ayaa dab ku qabsaday dekeda magaalada Muqdisho, xalay saqdii dhexe kaasoo socoday dhowr saacadood ilaa maalintii Jimcaha.

Maamulka dekeda Muqdisho ayaa sheegay in ay xil weyn iska saareen sidii loo damin lahaa dabka ka kacay gudaha markabka. Lama oga sababta dhalisay dabkaasi qabsaday markabka.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Trim H oo ka diiwaan gashan dalka dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa sida dhuxul uu ka soo raray qeyob ka mid ah Soomaaliya.

Maareeye ku xigeenka dekeda Muqdisho Axmed Cabdi Kaariye oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in markabkan uu 3-dii bishan ku soo xirtay dekeda si uu uga sahay qaato.

Dowladda KMG ah ayaa sharci darro ku tilmaamtay dhoofinta dhuxusha.

XS
SM
MD
LG