Isku xirrada

War

Marka: Guri Shabaab ku Shirayay oo la Duqeeyay

  • VOA Somali

Marka: Guri Shabaab ku Shirayay oo la Duqeeyay

Marka: Guri Shabaab ku Shirayay oo la Duqeeyay

Guriga la duqeeyay waxaa lagu soo warramayaa inay ku shirayeen xubno ka tirsan saraakiisha sarsare ee ururka al-Shabaab.

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in guri ku yaalla halkaasi la duqeeyay.

Wararku waxay sheegayaan in gurigaasi ay shir ku lahaayeen saraakiil ka tirsan ururka al-Shabaab.

Guud ahaan guriga waxaa la sheegay inuu burburay, ka dib markii uu ku habsaday madfac laga soo tuuray dhinaca badda. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu duqeyntaasi ay sababtay.

Ma jirto ilaa iyo hadda dowlad sheegatay weerarkaasi. Sanadkii hore meel ku dhow degmada Baraawe ee isla gobolka Shabellaha Hoose waxaa diyaarad Maraykan ihi ay weerar ku dishay Saalax Cali Nebhan oo ka tirsanaa saraakiisha al-Qaacida ee Geeska Afrika, kaasoo ku dhuumaaleysanayay gudaha Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG