Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mark Bowden oo ka hadlay Xaallada Somalia


Mark Bowden oo ka hadlay Xaallada Somalia
Mark Bowden oo ka hadlay Xaallada Somalia

Mark Bowden, xiriiriyaha gar-gaarka bini'aadanimo ee Somalia ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay cunto yari soo foodsaarta Somalia.

Mark Bowden iyo xubno kale oo ka tirsan madaxda hay'adaha qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa toddobaadkan boqoanayey magaaladan Washington kadib markii ay dhowaan sameeyene codsi ay ku doonayana 530 milyan oo doollar oo lagu bixiyo hawlaha gargaarka Soomaaliya sannadka soo socda.

Mark Bowden ayaa waraysi uu siiyey idaacaddan VOA kaga hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinaca bani'aadminnimada. Waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ka walaacsan tahay in cuntadu ku yaraato Soomaaliya iyadoo laga cabsi qabo inay abaaro dhacaan.

Mark Waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay lacagaha ay codsatay ay ka yar yihiin kuwii sannadkii hore taasoo uu yidhi waxaa ugu wacan cunto qaybintii Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya oo yaraatay kadib markii kooxaha gacanta ku haya inta badan Koonfurta ay diideen cunto qaybinta ay sameeyeen hay'adaha gargaarka.

Mark Bowden, Waxaa kale oo uu xusay inaan cunto qaybin laga samayn meelo badan oo Koonfurta ah lixdii bilood ee lasoo dhaafay taasina ay sii kordhisay cabsida ah in abaaruhu cuslaadaan. Waxa uu ugu baaqay kooxahaas inay oggolaadaan qaybinta cuntada.

Mark, Waxa uu sheegay in beesha caalamku ay Soomaaliya ku bixiso 200 milyan guud ahaan sannadkii, lacagtaasi badankeeduna ay gasho Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG