Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Xoojiyay Xayiraadaha Somalia


Warkan ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dalkan Mareykanka Brack Obama uu qaatay go’aan la xiriira talaabo loo qaado si wax looga qabto mushkuladaha iyo degenaansho la’aanta mudada 20ka sano ka badan heysatay Somalia.

War saxaafadeedka waxaa lagu yiri talaabadda ay dowladda Mareykanka qaadaneyso ayaa waxaa ka mid ah, sidii go’doominta loogu sii giijin lahaa kooxda Alshabab, oo horey cunaqabateyno ay ugu soo rogeen Qaramada Midoobay iyo dowladda Mareykanka

War saxaafadeedka waxaa lagu yiri Al-Shabaab waxey sii wadaa Qatarta weyn ee ay ku heysay, nabadda, amaanka iyo xasilooni guud oo ka dhalata Somalia, waxaana halista kooxda ka mid ah baa warsaxaafaedka wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka lagu yiri, iney diiday galaangalkii gargaarka lala gaari lahaa dadka si deg deg ah ugu baahan.

War saxaafadeedka waxaa kaloo lagu yiri Madaxweyne Obama waxa uu wax ka bedel ku sameeyay amarkii horey uga soo baxay ee la xiriiray cuna qabateynada Somalia ee tirsigiisu ahaa 13536, kaaso wax looga bedelay sidii loo hirgelin lahaa, xayiraadii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu dhawaan ku soo rogay dhoofinta dhuxusha Somalia, isla markaana cunaqabateyn lala beegsado shaqsi kasta oo lagu helo inuu lunsanayo lacagta dadweynaha Somaliyeed ay leeyihiin, ama cid kasta oo caruurta u adeegsata colaadaha iyo dagaalada hubeysan ama cid kasta oo ku kacda gacan ka hadal ka dhan ah dadka shicibka ah ee Somaliyeed, gacan ka hadalkaas oo ay ku jiraan gacan ka hadalada ku saleysan jinsiga ama kufsiga.

Cunaqabateynta saaran dhoofinta dhuxusha Somalia waa mid cadaadis muuqda ku heysa kooxda Al-shabab, taasoo inta badan daqligeeda uu ka soo galo dhoofinta dhuxusha.

Dhoofinta dhuxusha Somalia ayaa sidoo kale baaba’a iyo burburin ku heeysay degaank, saameyntaas oo qeyb ka qaadatay, siina xumeysay mushkiladaha bani aadnimo ee dabada dheeraaday.

Iyadoo waqtiga ama sharciyadda dowladda Federalka Ku meel gaarka ah uu ku egyahay ama uu dhacayo dhamaadka bisha August ee soo socota, ayaa dowladda Mareykanka waxey diiradda ku heysaa sidii saaxibadeeda Soomalia, kuwa gobolka iyo beesha caalamkaba ay kala shaqeyn laheyd, sidii loo cabsigelin lahaa kuwa qatarta ku haya nabadda, amaanka, iyo xasiloonida guud ee Somalia ayaa lagu soo gunaanaday warsaxaafadeedkaasi shalay ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Mareykanka.

XS
SM
MD
LG