Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo ka Hadlay Howlgallo Lagu Dilay Saraakiil Shabaab Ah


Africom
Africom

War ka soo baxay xafiiska Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu soo gabagabeeyay qiimeyn uu beryahan ku waday weeraro dhawaan ka dhacay Somalia oo lagu beegsaday saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Warkan ayaa lagu sheegay in 27-kii bishii May ee sanadkan ay ciidamada Mareykanka duqeyn ku dileen Abdullahi Haji Da'ud , oo ka mid ahaa saraakiisha militari ee sar sare ee Al-Shabaab. Warbixinta laguma sheegay halka saxda ah ee uu weerarkan ka dhacay laakiin waxaa lagu sheegay inuu ka dhacay meel ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Somalia.

Sidoo kale warbixintan waxaa lagu sheegay in 31-kii bishii tagtay ee May howlgal ay horkacayeen cutub ka mid ah ciidamada Milatariga Somalia lagu dilay Mohammed Dulyadeen, oo sidoo kale loo yaqaanay "Mohammed Kuno” iyo “Kuno Gamadere."

Mareykanka ayaa sheegay inuu xaqiijiyay in Kuno lagu dilay weerarkaa oo ka dhacay Tuulada Buula-gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose.

Warkan ayaa lagu yiri “Waxaan ku kalsoonahay in labadan hogaamiye ee sar sare ee la khaarajiyey ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ay baajin karto weeraro dhow oo ay kooxdu qorsheeyso – islamarkaana ay badbaadin karto nolosha dad badan oo aan waxba galabsan.”

Waxaa kaloo warkan lagu yiri “Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an taageerista dowladda Somalia, iyo ciidamada dowladda iyo ciidamada Midowga Africa – sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab, Soomaaliyana looga dhigi lahaa meel nabdoon.”

XS
SM
MD
LG