Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo ka Digay Weeraro Argagixiso


Aqalka cad ee Mareykanka ayaa khamiistii shalay sheegay inuu hayo warar ku saabsan Qatar suuragal ay tahay inuu wajaho mareykanka ka hor sanad guurada 1aad ee soo wareegtay dilkii Pakistan loogu geystay hogaamiyihii hore ee ururka Al-qacida Osama Bin Laden

Xoghayaha warbaahinta aqalka cad Jay Carney ayaa u sheegay warfidiyeenka in iminka aysan heyn warar huban oo sheega in ururada Argagixisada oo ay Al-Qacida ku jirto, ay maleegayaan weeraro ka dhan ah Mareykanka, si ey ugu soo begaan sanad guurada dhimashadii Bin Laden.

Laakin Mr Carney waxa uu ku nuux nuuxsaday in Xulufada iyo ururada gacan saarka la leh Alqacida ay yihiin kuwo ku talagalsan fulinta weeraro ay ku soo qaadaan Mareykanka, si ey ugu aargudaan Binladen.

Goor sii horeysana madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa amray in dib loo eego sawiro Hanjabaad ah oo laga soo qaaday dhismihii lagu dilay Binladen ee Pakistan, waxuuna madaxweynaha amar ku siiyay masuuliyiinta amniga in la qaado talaabo kasta oo lagama maarmaan ah si buu yiri loo difaaco dadka Mareykanka.

XS
SM
MD
LG