Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sanaag: Diiwaan-galinta Doorashada Somaliland


Diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka sanadka Soo socda ee 2017 ee Somaliand ayaa shalay ka bilaabatay in ka badan laba boqol oo goobood oo ka tirsan gobolka sanaag oo ah ka ugu baaxada weyn gobolada Somaliland.

Waxaa meelo ka mid ah meelaha diiwaangelintu ay ka bilaabatay qaarkood, gaar ahaan dhulka ku teedsan xuduudda Puntland iyo Somaliland ayaa laga soo sheegayaa xiisad.

Dhinaca kale Taliyaha booliska Gobolka Sanagaad ee Somaliland Col. Axmed Saciid Gegiroor, ayaa beeniyay inay rabshado dhaceen. Waxa uu sheegay in diwaangelintu ay si nabdoon ku socoto.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka sanaag kula xiriiray Garaad Cabdullhi Cali Ciid oo ka tirsan garaadada gobolka iyo Col. Axmed Saciid Gegiroor.

Dhageyso wareysiyada Sanaag
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:57 0:00

XS
SM
MD
LG