Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo fasaxay lacag Libya ka xayirneyd


Mareykanka oo fasaxay lacag Libya ka xayirneyd
Mareykanka oo fasaxay lacag Libya ka xayirneyd

Doladda Mareykanka ayaa sheegtay ineey xayiraadii ka qaaday balaayiin dolar oo ay horey uga xayirtay Xukumadii Qadaafi

Qaar ka mid ah Dalalka awoodaha leh ee caalamka ayaa u balanqaaday maamulka ku meel gaarka ah ee Libya lacag gaareeysa balaayiin dolarka Mareeykanka ah, oo lagu maalgelinayo isla markaana lagu bixinayo gargaarka bani aadnimo

Waxeey kaalmadani kaga dhawaaqeen gebagebadii shir wakiilo ka socday 60 dowladood iyo Golaha Ku meelgaarka ah ee Libya qamiistii ay ku yeesheen magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska.

Xoghayaha arimaha dibadda ee Mareeykanka Hillary Clinton ayaa u sheegtay wafuudii shirka ka qeeyb galeysay in dowladda Mareeykanka ay golaha Ku meel gaarka ah ee Libya ay ku wareejisay todobaadkii la soo dhaafay 700 oo milyan oo dolar oo ka mid ah – hal bilyan iyo bar lacag gaareysay oo ay dowladda mareeykanka ka fariisisay xukumadii qadaafi

Dalalka Mareeykanka Netherlandm iyo Faransiiska ayaa iyana balanqaaday ineey inee xayiraadda ka qaadayaan lacag shab bilyan gaareeysay oo ay ka xanibeen Mucamar al-qadafi.

Khamiistii shalay aheydna Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay inuu cuna qabateynta ka qaadayo 28 shirkadood oo Libya ay leedahay, oo ay ku jiraan kuwo maamulo dekedo iyo garoomo, kuwa leh bangiyo, iyo kuwo ka shaqeeya tamarta Korontada

XS
SM
MD
LG