Isku xirrada

Mareykanka Oo Dib U Dhigay Xayiraadda Iran


Madaxweynaha Iran Hassan Rohani

Madaxweynaha Iran Hassan Rohani

Wargeyska The Wall Street Journal ayaa ku warramay in hadda aysan kala caddeyn goorta, ama haddii cunqabateynta lasoo rogi doono.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa dib u dhigaya qorshe uu kusoo rogi lahaa cunqabateyn lagu bartilmaameedsanayo gantaalaha balaastiga ee Iran, sida ay warbaahinta Mareykanka qarakood weriyeen.

Saraakiisha Mareykanka ayaa waxa uu qorshahoodu ahaa inay horraanta toddobaadkan ku dhowaaqaan xayiraado ka dhan ah 12 shaqsiyaad iyo shirkado ah, kuwaasi oo ku kala sugan dalalka Iran, Hong Kong iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Hase yeeshee wargeyska, The Wall Street Journal, ayaa gelinkii dambe ee khamiistii ku warramay in go’aankan dib loo dhigay.

Cunaqabateynta, ayaa weli ah”Mid miiska saaran”, sida ay saraakiil sheegeen, hase yeeshee wargeyska waxa uu ku warramay in hadda aysan kala caddeyn goorta, ama haddii cunqabateynta lasoo rogi doono.

Sarakaiisha ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyeey in soo rogista ganaaxyada lacagaeed ee noocan ah aysan waxba u dhimeyn heshiiskii horaantii bishan laga gaaray barnaamijka nukliyeerka ee Iran. Tehran, ayaa taas diiday, waxayna sheegtay in xayiraad cusub ay heshiiska ka dhigi doonto mid aan waxba ka jirin.

XS
SM
MD
LG