Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Dalka Dhoofiya Hubka Ugu Badan Dunida


Mareykanka ayaa weli ah dalka dhoofiya hubka ugu badan caalamka, isaga oo dalalka dunida, gaar ahaan kuwa bariga dhexe, ka iibiyey sanadkii tagay hub lagu qiimeeyey 23 bilyan oo dollar, sida lagu sheegay warbiixn cusub.

Shirkadda IHS Jane oo axaddii baahisay warbixinteeda sanadlaha ah ee Ganacsiga Gaashaandhigga Dunida, ayaa sheegtay in ganacsiga hubka dunida uu sanadkii tagay kor u kacay illaa 6.6 bilyan oo dollar, islamarkaana gaaray 65 bilyan oo dollar.

Hubka lagu qiimeeyey 23-ka bilyan ee dollar ee Mareykanka uu dhoofiyey sanadkii tagay, ayaa macanheedu yahay in hubka uu iibiyey uu kor u kacay 10 bilyan oo dollar, tan iyo sanadii 2009.

“Suuqa ganacsiga gaashanadhigga dunida, marnaba lama kulmin sare u kacii dhacay sanadihii 2014 illaa 2015” ayuu yiri Ben Moores, oo ah fallanqeeye sare oo ka tirsan shirkadda IHS.

Sidoo kale, hubka uu iibgeeyey Faransiiska ayaa sanaddii tagtay laba laabmay, isaga oo gaaray 18 bilyan oo dollar, halka sanadkii kaas ka horeeyey uu ahaa 8 bilyan oo doallr.

Haddii iibka hubka Faransiiska sidan kusii socda, waxa uu dalka Ruushaka kala wareegi doonaa kaalinta dalka labaad ee hubka ugu badan iib geeya.

XS
SM
MD
LG