Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mardaadi: Lama keenayo ciidamada safka hore


Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga
Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga

Wasiirka Cusub ee Gaashaandhiga ee DKMG Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi), ayaa qaadacay in ciidamo ka socda dalalka deris la keenayo Somalia.

Wasiirka Cusub ee Gaashaandhiga ee DKMG Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi), ayaa qaadacay in ciidamo ka socda dalalka deris la keenayo Somalia.

Wasiirku, wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan go’aamadii ka soo baxay IGAD, balse wuxuu beeniyay in ciidamo ay Ethiopia horkaceyso ay faragalin ku samayn doonaan Somalia.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Cabdalla Bos Axmed ayaa sheegay in madaxda dalalka IGAD ay go’aansadeen in 2,000 Askari si deg deg ah lagu kabo kuwa AMISOM ee hada jooga, balse taa micnaheedu aysan aheyn ayuu yidhi in la keenayo kuwa safka hore,wuxuuna dhanka kala ka dhawaajiyay inay jirto halis amni oo ubaahan in wax kaqabashadeeda loo wada guntado.

Wasiirka cusub ee gaashaanka Abuukar Cabdi Cusmaan (Mardadi) ayaa soo hadal qaaday xaaladda amaanka Soomaliya oouu sheegay inay ka sii darayso marba marka ka danbaysa sidaa darteedna ay ka shaqeyn doonaan sidii nabadgelyada wax looga qabanlahaa.

XS
SM
MD
LG