Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka:Dhalinyaro Soomaali ah oo loo haysto Dambiyo


Xeer ilaaliye Jerry Martin, Bidix, iyo saraakiisha dacwadda soo bandhigay, Nov. 8, 2010, magaalada Nashville, Tenn.
Xeer ilaaliye Jerry Martin, Bidix, iyo saraakiisha dacwadda soo bandhigay, Nov. 8, 2010, magaalada Nashville, Tenn.

Sagaal iyo labaatan dhalinyaro u badan Soomaali ayaa loo haystaa dambiyo culus sida ka ganacsiga jidhka gabdhaha yar.

Kooxdan ayaa lagu eedeeyay in ay gabdho da’doodu ka yartahay 14 jir ay ku qasbeen in ay jidhkooda ka ganacsadaan, iyaga oo geeyay gobolada Minnesota, Tennessee, Ohio ee dalkan Maraykanka.

Dacwadda loo haysto dhalinyaradan ayaa waxaa shaaca ka qaadday maxkmad ku taalla gobolka Tennessee.

Dhalinyaradan dambiyada loo haysto waxaa ku jira saddex gabdhood oo Soomaali ah, sidoo kale sagaal iyo labaatanka qof ee la soo eedeeyay dhamaantood waa Soomaali marka la reebo qof kaliya oo ajnabi ah.

Dhacdadan ayaa walaac badan ka dhex abuurtay jaaliyadda Soomaalida ah e gobolka Minnesota, oo ah gobolka ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan ee dalkan Maraykanka.

Faahfahin arrintan ku saabsan oo uu ku faahfahinayo wariyaha VOAda ee Minnesota Siciid Yuusuf Sheekh Cabdi ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG