Isku xirrada

War

Maraykanka: Soomaali Maxkamad la soo taagay


11 burcad-badeed Soomaali ah oo lagu eedeeyay weerar ay ku qaadeen markab Mareykan ah ayaa la soo taagay maxkmad ku taalla gobolka Virginia.

11-kan waxaa shalay oo jimce ahayd la soo taagay maxkamad ku taalla gobolka Virginia si loogu qaado dacwaddo la xiriira burcadbadeednimo, ka dib markii todobaadyo ay ku xirnaayeen markab Maraykan ah oo xeebaha Soomaaliya ku sugan.

5 ka mid ah kooxdaasi waxaa lagu soo oogay dagaal hubeysan oo 31-kii bishii March Badweynta Hindiya ku dhexmaray iyaga iyo markabka ciidamada Maraykanka ee USS Nicholas.

Lixda kalena waxaa iyagana lagu eedeeyay inay 10-kii bishan April weerar hubeysan ku qaadeen Markabka Maraykanka ee USS Ashland oo ku sugan biyo-badeedka Gacanka Cadmeed, gaar ahaan meel Kaabiga ku haysa Jamhuuriyadda Jabuuti.

Haddii dambiyadaasi ay ku cadaadaan waxay mutaysan doonaan xabsi daa’im.

Warbixinta maxkamadeynta qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG