Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo taageeraya AMISOM


Jeneraal Maraykan ah ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidamada AMISOM ka saacidi doono tababarRada, qalabka militariga iyo Adeegyo kale.

Jeneraal sare oo Maraykan ah ayaa sheegay in milatarigu uu diyaar u yahay inuu caawimaad dheeri ah siiyo ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya jooga.

Jen. William Ward, madaxa taliska milatariga Maraykanka ee Africa ayaa sheegaya in dalkiisu uu filayo inuu ciidamada Midowga Africa ee AMISOM siiyo caawimaad dheeraad ah oo isugu jirta dhinacyada tababarka, adeegyada iyo waliba gargaar xagga qalabka ah.

Ward ayaa faalladan bixiyay maalintii talaadada ahayd ee Shalay isagoo ka hadlayay Xarunta daraasaadka caalamiga ah iyo istaraatiijiyadda ee magaaladan Washington.

Dowladda Maraykanka ayaa waqti xaadirkan waxa ay tababar iyo taageeraba siisaa AMISOM, oo ka kooban dhowr kuna oo askari oo ka kala socda waddamada Uganda iyo Burundi. Askartaasi ayaa waxa ay si joogto ah isugu dhacaan kooxaha mucaaradka ah ee isku dayaya inay afka ciidda u daraan oo ay ridaan dowladda Soomaaliya.

AMISOM ayaa ka caawisay dowladda Soomaaliya inay gacanta ku hayso maamulka goobaha muhiimka ah ee Muqdisho, sida Airport-ka, Dekedda, iyo xarunta madaxtooyada.

XS
SM
MD
LG