Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Lacag Dul-dhigay Madaxa al-Shabab


Dowladda Maraykanka ayaa abaalmarin lacageed oo dhan 33 millions siinaysa ciddii sheegta halka ay ku sugan yihiin madaxda Al-Shabaab.

Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in wasaaraddu ay amartay bixinta abaalmarin gaaraysa 7 malyuun oo Dollar oo la siiyo qofkii sheega warbixin ama macluumaad horseedi karta halka uu ku sugan yahay hoggamiyaha al-Shabaab Axmed Cabdi aw-Maxamed oo loo yaqaan Godane.

Sidoo kale waxaa abaalmarin lacageed oo gaaraysa 5 Malyuun oo dollar qofkiiba la dul saaray madaxda kale ee Al-shabaab sida; Ibrahjim Xaaji Jaamac (Afghani), Fuad Max'ed Khalaf, Bashiir Max'ed Maxamuud iyo Mukhtar Roobow Abu-Mansuur. Sidoo kale waxaa abaalmarin dhan 3 Malyuun qofkiiba lagu bixinayaa ciddii sheegtay meesha ay joogaan Zakariya Ismaaciin Axmed Xirsi iyo Cabdullahi Yare.

Go’aankani waxa uu noqonayaa kii ugu horreyey ee lacag gaar ah la dulsaaro madaxda xubnaha sare ee kooxda al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG