Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo la Shaqayn Doona Puntland iyo Somaliland


Maraykanka oo la Shaqayn Doona Puntland iyo Somaliland
Maraykanka oo la Shaqayn Doona Puntland iyo Somaliland

Mas'uulka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Africa ayaa shaaca ka qaaday in ay la shaqayn doonaan Puntland iyo Somaliland

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay qorsheyneyso inay xoojiso xiriirada ay la leedahay Maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira.

Sarkaalka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Jonnie Carson ayaa jimcihii magaalada New York warbaahinta caalamiga ugu sheegay in Maraykanka uu bilaabi doono waxa uu ugu yeeray macaamil xooggan oo uu la sameyn doono maamul goboleedyada Puntland iyo Somaliland.

Carson ayaa sheegay in Maraykanka uusan qorsheyneyn in maamulladasi uu u aqoonsado midkoodna dal madaxbannaan, laakiin uu ka caawin doono mashaariicda dhanka Beeraha, biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Carson wuxuu sheegay in iskaashigaasi uu ka hortegi doono in kooxaha xagjirka ah ee ka tirsan maleeshiyada la fikirka al-Qaacida ee al-Shabaab inay ku fidaan gobolladaasi.

Carson wuxuu kaloo sheegay in Maraykanka uu sidoo kale la xiriiri doono kooxaha ka jira gobollada Koonfurta iyo Soomaaliya ee iyagu ka soo horjeeda al-Shabaab, haddii xitaa aanay xiriir la lahayn dowladda KMG ah ee ku sugan Muqdisho.

Dowladda KMG ah waxay maamushaa goobo yar oo ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo gacan ka helaysa ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Afirka ee AMISOM.

Kooxaha islaamiga ee dagaalka kala soo horjeeda dowladda KMG ah ayaa waxay maamulaan inta badan gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG