Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo ka Hadlay Weerarkii Qandal


Maraykanka oo ka Hadlay Weerarkii Qandal
Maraykanka oo ka Hadlay Weerarkii Qandal

Sarkaal aan magaciisa sheegin ayaa Washington Post u sheegay in Maraykanku ka dambeeyey weerarkii duleedka Kismaayo ee toddobaadkii hore

Wargeys kasoo baxa magaalada Washington ayaa qoray in diyaarad Maraykan ah oo ah nooca aan duuliyuhu wadin ay todobaadkii hore gantaal ku tuurtay labo hogaamiye oo ka tirsan ururka Alshabab ee Somalia. Ururkaas gacan-saar la leh ururweynaha Al-Qaacida, iyada oo sida cad ay dayuuradaasi labada mas’uul ay dhaawac u geysatay.

Wargeyska Washington Post ayaa soo xigtay mas’uul aan magaciisa sheegin, kaasoo oo howgalka wax ka ogaa.

Sarkaaalka ayaa sheegay in weerarka la qaaday iyada oo uu jiray welwel ah in Alshabab ay si hoose ula shaqeynayaan ururka AlQacida, ururkaas oo doonayey in uu meel Soomaliya ka baxsan uu weeraro ka geysto.

ururka Alshabab waxa uu caadi ahaan ku firfircoon yahay Somalia gudaheeda, halkaas oo uu ka wado dagaal uu doonayo inuu ku afgambiyo KDGM ah ee Somalia, kuna soo rogo hanaan adag oo shareecada Islaamka ah. Laakiin ururku waxa uu sheegtay in uu ka dambeeyey qaraxyadii Uganda ee dhacay bishii Julay ee sanadkii hore, qaraxyadaas oo dilay in ka badan 70 ruux.

Wararka ayaa sheegaya in Somalia ay tahay dalka 6aad ee Maraykanku u adeegsado dayuuradaha aan cidi wadin. Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in dalalka kale ay yihiin, Afghanistan, Pakistan, Libya, Ciraaq, iyo Yemen.

Xilli hore oo toddobaadkan ah, ayaa saraakiil Maraykan ahi sheegeen in Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanku ay gobolka u dirayso afar diyaaradaha aan cidi wadin ah, si loogula dagaalamo dagaalyahaniinta Somalia jooga.

Saraakiil military ayaa sheegay in Wasaaradda gGashaandhigu ay dayuuradahan u dirayso Uganda iyo Burundi, kuwaas oo ciidamo ku deeqay howlgalka ciidamada AMISOM ee kaalmeynaya DKGM ah.

XS
SM
MD
LG