Isku xirrada

War

Maraykanka oo Dilay Osama Bin Laden


Maraykanka oo Dilay Osama Bin Laden

Maraykanka oo Dilay Osama Bin Laden

Madaxweyne Obama ayaa ku dhawaaqay in ciidamo Maraykan ah ay gudaha Pakistan ku dileen hoggaamiyaha Al-Qaacida Osama Bin-Laden.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in Maraykanku ay maanta weerar ku dileen hoggaamiyaha Al-Qaacida Osama Bin-Laden.

Barack Obama oo hadalkan kaga dhawaaqay khudbad uu si toos ah uga jeediyay aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Osama Bin Laden lagu dilay howlgal gaar ah oo ciidamo Maraykan ah ay ka fuliyeen xarun uu ku jiray Osama Bin Laden oo ku taalla magaalada Abbotabad.

Madaxweyne Obama wuxuu sheegay is-rasaaseyn kooban kaddib ciidamada Maraykanka ay dileen Osama isla markaana ay gacanta ku dhigeen maydka Osama, wuxuuna sidoo kale sheegay in howlgalkaasi aysan waxba ku noqon ciidamada Maraykanka.

Obama wuxuu sheegay in dilka Osama Bin Laden ay soo afjarayso 10 sannadood oo la baadigoobayay Cusaama oo ahaa argagixisadii ugu weynayd ee caalamka.

Howlgalkan lagu dilay Osama ayaa yimid kaddib sirdoon billooyin socday oo ay si wadajir ah u fuliyeen Maraykanka iyo Pakistan.

Madaxweyne Obama wuxuu sheegay in dilkan Osama u ka dhigan yahay in guulweyn oo u soo hoyatay Maraykanka.

XS
SM
MD
LG