Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Dad Cusub ku Eedeeyey Argagaxisonimo


Maraykanka oo Dad Cusub ku Eedeeyey Argagaxisonimo
Maraykanka oo Dad Cusub ku Eedeeyey Argagaxisonimo

14 ruux oo ay ku jiraan dad asalkoodu Soomaali yahay ayaa lagu eedeeyey inay taageeraan ururrada argagaxisada.

Xeer Ilaalihaya Guud ee Maraykanka Eric Holder ayaa sheegay in dad jinsiyadda Maraykanka qaatay oo ku kala nool gobollada Alabama, California, iyo Minnesota ay taageerro siinayeen kooxda Alshabaab ee Somalia ka dagaalanta.

Dadkan la eedeeyey ayaa waxa tiradoodu gaaraysaa 14 ruux, dambiyada lagu eedeeyeyna waxa ka mid ah in lacag, dad, iyo adeegyo kaleba ay ku taakuleeyeen kooxda Alshabaab, kooxdan oo dawladda Maraykanku ay u aqoonsan tahay inay tahay koox argagixiso ah. Eric Holder waxa uu sheegay in eedaymahani ay muujinayaan “jiho cabsi leh”

Hodler ayaa sheegay in dambiyada la soo oogay ay ka mid yihiin dambi lagu helay laba dumar ah oo la kala yiraahdo Amina Farax Cali iyo Xaawo Maxamed Xasan. Dambiyada labadan dumarka ah lagu eedeeyey waxa ka mid ah lacag ay ka ururiyeen guryaha dadku deggan yihiin ee waddamada Maraykanka iyo Canada iyagoo ku andacoonayey in dad sabool ah ay lacag u ururinayeen.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka dambiyada lagu soo eedeeyey aan la haynin kuwaas oo uu ku jiro ninka Maraykanka ah ee magaciisu yahay Abu Mansour Al-Amriki oo laga arko cajaladaha video-ga ee jihaadka ka hadla.

XS
SM
MD
LG