Isku xirrada

War

USA oo Dabcisay Xayiraadaha


USA oo Dabcisay Xayiraadaha

USA oo Dabcisay Xayiraadaha

Maraykanka ayaa sheegay inuu dabciyay xayiraadihii ku hor gudbanaa in gargaar loo diro goobaha ay al-Shabaab ka taliso.

Maraykanka ayaa u sheegay ururada ka shaqeeya samafalka inaanay soo wajihi doonin eed ku saleysan sharciyada xayiraadda Maraykanka, haddii ay gargaar u diraan goobaha ay macluushu ka jirto ee Soomaaliya ee ay ka taliso kooxda al-Shabaab.

Saraakiisha Maraykanku waxay sheegeen in ahmiyaddooda koowaad ay tahay badbaadinta dadka ku nool gobollada ay macluushu ka jirto.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa iyana ka digtay in macluushu ay ku fiddo dhammaan gobollada koonfureed ee Soomaaliya todobaadyada soo socda.

XS
SM
MD
LG