Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Cambaareeyey Qaraxyada Kampala


Maraykanka oo Cambaareeyey Qaraxyada Kampala
Maraykanka oo Cambaareeyey Qaraxyada Kampala

Madaxweyne Obama iyo madax kale oo Maraykan ah ayaa cambaareeyey, kaalmana u balan qaaday Uganda dhibtii ka gaartay qaraxyadii Axaddii

Dowladda Maraykanka oo iyadu taageero isugu jirta hub fudud iyo tababaro siisa ciidamada qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Uganda iyo Burundi ayaa si weyn u canbaareysay qaraxyada Kampala.

Mas’uuliyiinta Maraykanka uu ugu horeeyo madaxweyne Obama ayaa dowladda iyo shacabka Uganda u diray tacsi una xaqiijiyay inay hiil iyo hooba la bar-bar taagan yihiin.

Robert Gibs, Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Obama ayaa isagu la hadlay dhigiisa dalka Uganda ugana tacsiyeeyey qaraxyadii ka dhacay Kampala.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda u qaabilsan Africa, Johnnie Carson ayaa isna la hadlay Yuweri Museveni, una balan qaaday taageero deg-deg ah oo ay ugu horeyso in dalkaaasi loo diro danbi-baadhayaal ka socda hay’adda FBI si ay boliiska dalkaasi uga caawiyaan baadhitaanka qaraxyada

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibeda B. J. Crowley ayaa sheegay in madaxweyne Yuweri Musaveni uu xaqiijiyay in ciidamadda Uganda ay sii joogi doonaan dalka Somalia.

Sidoo kale, war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Senatorka Russ Feingold oo ah guddoomiyaha guddi-hoosaadka xiriirka arrimaha dibedda ee Arrimaha Africa ayaa canbaareeyay qaraxyaddii Kampala.

Al-shabaab oo iyagu sheegtay ma’suuliyadda qaraxyada Kampala ayaa sheegay inay qaraxyadaasi diyaarinayeen muddo bilooyin ah. David Shinn oo ahaa safiirkii hore ee Maraykanka ee Addis-Ababa, kana mid ah khubarada sida gaar ah uga faalooda arrimaha geeska Africa ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku haminayaan hadafyo dhowr ah oo ay xitaa ku jirto sidii ay u soo celin lahaayeen khulafadii Islaamka.

Waxyaabaha kale ee ay ka hadlaan waa in waddanka Maraykanka uu u rogaan nooca Islaamka ay iyagu doonayaan. Waxa kale oo ay ku andacoodeen waxyaabo kale oo badan oo layaab leh, laakiin yoolkoodu waa inay abuuraan Khilaafo Islaam arrintanina waa arrin ay u daadagaysa muslimiin badan oo adduunka ku nool.

Si kastaba ha noqotee qaraxyaddan ka dhacay magaalada Kampala ayaa ku soo beegmaya iyadoo toddobaadka soo socda magaaladaasi uu ka dhici doono kulan ay yeelanayaan madaxda waddamada ururka Midowga Africa. Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay in kulankaasi uu sidii balantu ahaydba uu dhici doono, iyadoo ajandayaasha ugu waaweyn ee madaxda Africa uu noqon doono xaaladda Somalia iyo waliba qaraxyadda Kampala.


XS
SM
MD
LG