Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Cambaareeyay Qaraxii Hotel Muna


Philip J. Crowley
Philip J. Crowley

Dawladda Maraykanka ayaa si adag u cambaaraysay Qaraxa, waxaanay wasaaradda arrimaha dibaddu tacsi u dirtay dadkii ku dhintay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Maraykanku aad uga xunyahay qaraxa al Shabaab u gaysteen dad rayid ah oo ku sugnaa Huteelka.

Afhayeenka wasaardda arrimaha dibadda ee maraykanka PJ Crowley ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ku sheegay in dawladda Maraykanka Tacsi u dirayso dadkii ay ehelada iyo qaraabadu kaga dhinteen weerarka Al Shabaab la beegsatay Huteel Muna.

Af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee maraykanka ayaa sheegay in weerarka oo lagu beegay bisha ramadaan ay tusaale u tahay sida kooxda Al Shabaab aanay u xaqdharaynin diinta Islaamka iyo dadka Sooman.

Af hayeenka ayaa sheegay in dawladda maraykanku ay taageero xoog leh la garabjoogto dadka iyo dawladda Somalia iyo weliba hawlgalka midawga afrika ee AMISOM , oo iyagu ka shaqaynaya sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Somalia.

PJ Crowley af hayeenka wasaardda arrimaha dibadda ee maraykanka ayaa sheegay in uu aad ugu bogay iyada oo todobaadkan la filayo ciidamo dheerad ah oo lagu xoojinayo AMISOM kuwaasi oo ka imanaya Uganda.

Dhinaca kalena la taliyaha madaxweynaha maraykanka ee dhinaca la dagaalanka argagixisada John Bernan ayaa si aad ah u cambaareeyay qaraxii Hutel Muna :

La taliyaha madaxweynaha Maraykanka ee la dagaalanka aragagxisada John Bernan ayaa sidoo kale sheegay in Al Shabaab ay dhaqdhaqoodi iyo hawlahoodii ku fidiyeen meelo ka baxsan Somalia, waxaana uu xusay in dawladda Maraykanku ay kala shaqaynayso dawlado ku yaalla Bariga Afrika sidii looga hortagi lahaa weerarada Al Shabaab.

Waxa kale oo uu xusay in ay ka war haleen in xubno ka tirsan al Shabaab ay ay la shaqeynayaan Al Qaacida sidii weeraro loo fulin lahaa.

Gees kalena wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Augusine Mahiga ayaa isaguna war saxaafadeed uu magaalada Nairobi ka soo saaray ku cambaareeyay weerarka kooxda al Shabaab ay shalay ka fulisay Huteel Muna ee magaalada Muqdisho.

Wakiilaka Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa sheegay in kooxda weerarkaasi fulasay ay ugu talagashay in khasaaraha ugu badan ay gaadhsiiso dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Waxaana uu intaasi raaciyay in dadaalka lagu doonayo nabadda Somalia uu socon doono, isaga oo tilmaamay in umadda Soomaaliyeed ay u haraaddantahay nabad .

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay falalka noocan oo kale ah ee waliba lagu soo beegayo, Bisha Barakaysan , aya ku dhiiri galin doonto dhamaan Saaxiibada Somalia in ay soo dedejiyaan taageerada lagu nabadaynao Somalia.

XS
SM
MD
LG