Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nelson Mandela oo la Dhigay Cisbitaal


Nelson Mandela oo la Dhigay Cisbitaal
Nelson Mandela oo la Dhigay Cisbitaal

Nelson Mandela, madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ayaa maanta la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Johannesburg kaddib markii uu caloosha ka xanuunsaday.

Afhayeen u hadlay xisbiga talada haya, Keith Khosa ayaa sheegay in galitaanka cisbitaala ee Mandella ay qorsheysnayd oo ay ahayd talo ka timid dhakhaatiirtiisa.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa sheegay in Mandella ay calooshu xanuunayso isla markaana dhakhaatiirtiisu ay dareemeen inuu u baahan yahay in cisbitaalka la dhigo.

Mandela waa 93 jir aan inta badan lagu akin meelaha dadku iskugu yimaado ee fagaaraha tan iyo markii uu ka dagay xukunka 8 sanno ka hor.

XS
SM
MD
LG