Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mali: Xukunkii Rayidka Oo La Soo Celinayo


Hogaamiyayaasha afganbiga milateri ee wadanka Mali ayaa heshiis la gaaray urur Goboleedka ECOWAS, heshiiskaas oo dib dalkaasi ugu soo celinaya kukumadii rayidka aheyd.

Go’aanka heshiiska ayaa laga baahiyey televionka wadankaasi , waxaana lagu dhawaaqay in milaterigu ay ogolaadeen in la abuuro dowlad ku meel gaar ah oo uu hogaaminayo raysul wasaare la isku waafaqsan yahay, taa badalkeedana hogaamiyayaashii afganbiga fuliyey la cafinayo iyo in la qaado cunaqatayntii dhaqaalaha ee ay ECOWAS ku soo rogtay wadanka Mali.

Madaxa Golaha Baarlamaanka ayaa noqonaya maaxweynaha ku meel gaarka ah si uu u diyaariyo qabashada doorashooyinn ka dhaca dalkaasi.

Wadamada Galbeedka Afrika ayaa taageeray dadaalka dowlada Mali ay kula soo wareegayso gobolada wuqooyiga.

Falaagada Tuwariq oo ay taageerayaan dagaalyahano Islaami ah ayaa qabsaday magaalooyin muhiim ah oo ku yaala wuqooyiga Mali, waxayna Jimcihii shalay ku dhawaaqeen inay yihiin dal madax banaan oo ay ku magacaabeen Azawad. Taasoo ay wadamada gobalka iyo faransiiska oo hore Mali u gumaysan jiray ku tilmaameen “wax aan macno iyo qiimo toona lahayn”

Dalalka ku bahoobay Ecowas ayaa sheegay inay 3000 oo askari u dirayaan Mali, si ey gacan uga geystaan amaanka dalkaasi xilli kala guurka iyo inay ka hor istagaan falaagada waqooyiga inay qabsadaan meelo kale oo ka mid ah Mali.

Wadanka Faransiiska ayaa balanqaaday inuu ku caawinayo gaadiis iyo taageero kale ciidamada la geynayo Mali.

XS
SM
MD
LG