Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mali: Milatariga Oo Waqti loo Qabtay


Urur Goboleedka ay leeyihiin dalalka ku bahoobay dhaqaalaha ee Africada Galbeed ee, ECOWAS, ayaa u qabtay hogaamiyeyaasha Miltariga Mali muddo sadex maalmood ah in dalkaasi ay ku soo celiyaan nidaamkii dastuuriga ahaa, hadii kale ay wajahayaan cunaqabateyn iyo xayiraadyo dhinaca safarada ah.

Madaxa Gudiga ECOWAS Kadre Desire ayaa hadalkan kaga dhawaaqay Khamiistii shalay dalka Ivory Coast.

Waxa uu sheegay in Mali ay wajihi doonto hadii aysan fulin dalabaadka loo soo jeediyay, xuduudaha oo laga xiro, iyo hantida oo laga fariisiyo bangiga dhexe ee Galbeedka Africa.

Qamiistii Gelinkii horana, wafdi ka socday madaxda galbeedka Africa ayaa ka laabtay qorshe ay kula kulmi lahaayeen hogaamiyeyaasha milatariga Mali caasimadda dalkaasi ee, Bamako, si ey ugu cadaadiyaan heshiis soo celinaya xukunkii dastuuriga ahaa ee dalkaasi.

Nin la taliye u ah madaxweynaha Ivory Coast Alassane Ouattara ayaa sheegay in diyaaradii siday madaxweynaha ay gashay hawada dalka Mali, hase yeeshee ay hawada intii ay ku jirtay dib uga soo noqotay, maxaa yeelay dad dibad baxyo dhigayay ayaa taagnaa jidkii ay dayuurada caga dhigan laheyd ee garoonka Bamako.

Warar diblomaasiyadeed ayaa sheegay in madaxdii kale ay iyana isku maan dhaafeen qorshaha, waxaana Madaxda dalalka ECOWAS, taa bedelkeed ay wada hadalo deg deg ah ku yeeshee magaalada Abidjan, ee caasimadda Ivory Coast.

Wasaarada Arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay inay ka niyad jabtay in hogaamiyeyaasha ECOWAS , ay awoodi kari waayeen inay caga dhigtaan Mali, hase yeeshee ay weli ku rajo weyntahay in xal diblumaasiyadeed oo deg deg ah laga gaari doono xaaladda ka aloosan dalkaasi.



XS
SM
MD
LG