Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Qirtay Dagaalka Galgala


Puntland oo Qirtay Dagaalka Galgala
Puntland oo Qirtay Dagaalka Galgala

Dagaal khasaare geystay ayaa maanta degmada Galgala ee gobolka Bari uu ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Sheekh Atom.

Wararka ka imanaya degmada Galgala ee oo qiyaastii 40km dhinaca ka koonfur-galbeed ka xigta magaalada Boosaaso ayaa sheegaya, in maleeshiyada sheikh Maxamed Siciid Atom ay weerareen ciidamo ka tirsan Puntland oo halkaasi joogay.

Khasaaraha dagaalkaasi ayay warar madaxbannaan ay sheegayaan in ciidamada Puntland ay soo gaartay dhmasho tiradooda lagu sheegay in ka badan 15 askari, lagana gubay tiro ka mid ah gaadiidka dagaalka.

Hase yeeshee wasiirka aminga ee Puntland, Jeneral Yuusuf Axmed Kheyr oo u warramay VOA-da ayaa beeniyay in khasaaraha soo gaaray ciidankoodu uu halkaa gaarsiisan yahay. Wuxuu sheegay in dhinacooda ay dagaalka kaga dhimatay shan askari, afar kalena kaga dhaawacantay.

Wuxuu sheegay in maleeshiyada soo weerartay Galgala ay ka soo duuleen deegaanka Bayr.

Wararka ayaa sidoo kale intaas ku daraya in qarax miino lala beegsaday ciidamo kale oo Puntland ka tirsan oo u socday tuulada Galgala, iyadoo la sheegayo inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo weerarkaasi kale uu dhaliyay.

Maleeshiyadii kooxda Sheekh Atam ee weerarka soo qaaday ayaa la sheegayaa inay saga baxeen tuulada Galgala.

Bishii August ee sanadkii hore, Puntland waxay ku dhowaaqday in deegaanka Galgala ay ka sifeeyeen maleeshayadii daacadda u ahayd Sheekh Atom, oo ay sheegeen inay ku xirnaayeen kooxda al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa isku dayaysa inay afgembiso dowladda KMG ah, si ay u dhisto dal si adag loogu maamulo shareecada Islaamka. Kooxda ayaa haysata inta badan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, laakiin dagaalo ay dhowaan la gashay ciidamada dowladda KMG ah ayay ku weyday dhul ballaaran.

XS
SM
MD
LG