Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Malawi: Madaxweynihii oo Geeriyooday


Radiyaha codka dowlad ku hadla ee Malawi ayaa xaqiijiyay in Madaxweynihii dalkaasi Bingu wa Mutharika uu geeriyooday.

Dhawaqan sida rasmiga ah uga soo yeeray Radioga Dowladda maanta oo sabti ah, ayaa ka dambeeyay ka dib warar badan oo soo baxayay jimcihii , oo soo xiganayay saraakiil caafimaad iyo kuwo dowladda ka tirsan oo magacyadooda qariyay, oo dhamaantood sheegayay in madaxweynaha uu geeriyooday.

Mr. Mutharika Ayaa loo cararay Qamiistii la soo dhaafay Cuspital ku yaala caasimadda dalkaasi ee, Lilongwe, ka dib markii uu xanuun ku soo booday isagoo gurigiisa ku sugan.

Jimcihiina saraakiil caafimaad iyo kuwa dowladda ka tirsan oo magacyadooda qariyay ayaa sheegay in madaxweynaha 78 jirka ah uu u geeriyooday xanuun kaga soo booday wadnaha, laakiin dowladda durbadiiba ma aysan xaqiijin dhimashada.

Mr. Mutharika ayaa loo doortay madaxweynaha Malawi sanadkii 2004tii, waxaana mar kale dib loo doortay sanadii 2009kii.

Waxaa intii uu talada hayay lagu amaanay inuu yareeyay welwelkii dhinaca cunada ee laga qabay dalkaasi, iyo inuu mar dalkiisa ka dhigay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba mid ay kaga daydeen dalal kale oo Africa ku yaala.

Laakiin sanadihii ugu dambeeyay dhaqaalihii dalkaasi ayaa hoos u dhacay, heerka shaqa la’aantuna kor ayey u kacday.

Dadka naqdiya siyaasadda madaxweynaha geeriyooday ayaa qaba inuu mar marka ka dambeysa uu sii noqonayay nin kali talis ah

19 qof ayaa lagu dilay bishii July ee sanadkii la soo dhaafay dibad baxyo ashtaka ah oo dowladda looga soo horjeeday.

XS
SM
MD
LG