Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahiga: Ururka Al-Shabab Waa uu kala Qeybsamay


Mahiga: Ururka Al-Shabab Waa uu kala Qeybsamay
Mahiga: Ururka Al-Shabab Waa uu kala Qeybsamay

Ambassador Augustine Mahiga ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay shaqaale geyn doonto Muqdisho iyo deegaanada Puntland iyo Somaliland

Ambassador Augustine Mahiga ayaa sheegay inururka Al-Shabab uu saddex qeybood u kala qeybsamay markii uu ururku sheegay inuu ka baxay magaalada Muqdisho. Waxa uu intaas raaciyey in cunaqabateynta dhaqaale uu Golaha Amaanku ku soo rogay iyo ilihii dhaqaalaha ee waddanka gudihiisa oo guray ay sababeen in awoodii ururku ay wiiqanto.

Dhinaca kale, Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia ayaa sheegay in dhamaadka sanadkan ay Qaramada Midoobay shaqaale geyn doonto Muqdisho iyo deegaanada Puntland iyo Somaliland. Mahiga ayaa sheegay in shaqaale dhan 24 ay geyn doonto magaalada Muqdisho, isaga oo sidoo kale in la balaarin doono shaqaalaha la geyn doono Somaliland iyo Puntland.

Waxa kale oo uu Mahiga sheegay in uu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu weydiisan doono ciidanka dhan 300 oo askari oo ilaaliya shaqaalaha Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho la geyn doono iyo waliba shaqaalaha hay'adaha kale ee caasimadda ka howlgali doona.

Warbixin arrintaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG