Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahiga: Qalad Ayaa La Iga Fahmay


Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somalia Agustine Mahiga ayaa sheegay inay waajib tahay in la sheego, isla markaana la cabsigeliyo, qaska ka wada somaalia ee aan dooneyn nabadda, iyadoo aan loo eegeyn buu yiri koox, shaqsi, kaalinta ay siyaasadda kaga jiraan ama urur dimeedka ay u nasab sheegtaan.

Waxa uu sheegay Mahiga inuu ka walaacsanyahay kooxo doonaya inay xagla daaciyaan qorshaha nabadda ee somaliya, isla markaana riixaya buu yiri in la kordhiyo waqtiga ku meel gaarka ee dowladda, si ey u hor istaagaan in la helo dowladda loo wada dhanyahay, oo ka dhalata mirihii shirkii Garowe iyo Roadmapka.

Waxa uu sheegay Mahiga inuu ka xunyahay in qaar ka mid ah hadaladiisa si xun loo turjumay, oo laga dhigay kuwo diin naceyb uu jiro, kuwa uu uga soo horjeedo xuriyatul Qowlka, kuna dhaleeceeyay Madaxda sare ee dowladda .

Waxaan ka xumahay buu yiri in si qalad ah la ii fahmo, anigoo hadafkeygu ahaa inaan bidhaamiyo qataraha ka iman kara in koox gaar ah ay awooda dalka gacanta ku heyso.

Waxa uu sheegay inay tahay markii ugu horeysay, muddo lix todbaad ah oo uu qoraal noocan oo kale ah ka soo saaro xafiiska uu dhawaan u guuray ee magalada Muqdisho.

Waxuu ugu baaqay Beesha caalamka inay iyana u soo guuraan muqdisho si buu yiri ay gacan uga geystaan horumarinta hanaan socodka nabadda

Waxa uu sheegay Mahiga in somaliya weli ay la daalaa dhaceyso mushkiladda ka taagan Baarlamanka, kuwaasoo hor istaagay buu yiri howlihii aasaasiga ahaa ee xildhibaanada, oo baarlamankuna uusan ka gudan Karin shaqadiisa.

Waxa uu sheegay in Somalia aysan awoodin inay ku sii jirto ismari- waagan, isla markaana uu isku dayi doono sidii arintan wax loog qaban lahaa.

XS
SM
MD
LG