Isku xirrada

War

Mahiga oo Somaliland Gaadhay


Mahiga oo Somaliland Gaadhay

Mahiga oo Somaliland Gaadhay

Ergayga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somalia Augustine Mahiga ayaa gaadhay Somaliland isaga oo la kulmay Madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa VOA u sheegay in ergayga Qaramada Midoobay uu Somaliland ku joogo booqasho qaadanaysa laba maalmood.

Ergayga ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Ujeedada booqashadan ayuu ku tilmaamay wasiirku in ay tahay mid daba socota socdaallo hore oo ay madax kala duwan oo ka tirsan beesha caalamku ay ku tageen Somaliland.

Waa markii ugu horasyay ee uu Danjire Mahiga uu gaadho Somaliland tan iyo intii xilkaasi loo magacaabay.

Waraysiga wasiirka oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG