Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahiga oo Muqdisho Booqday


Mahiga oo Muqdisho Booqday
Mahiga oo Muqdisho Booqday

Ergayga Qaramada MIdoobay ee Soomaaliya Agustine Mahiga ayaa booqasho ku tegay Muqdisho, wuxuuna la kulmay madaxda dowladda Soomaaliya.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Agustine Mahiga ayaa maanta socdaal ku tegay dalka Soomaaliya halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha dowladda KMG ah, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisal wasaaraha Xukuumadda.

Dad ku dhow dhow xafiiska madaxweynaha ayaa VOA-da u sheegay in Mr. Mahiga uu madaxda dowladda kula kulmay garoonka dhexdiisa, ka dibna uu dib uga dhoofay isla garoonka.

Inkastoo kulankaasi aan loo oggolaanin saxaafadda haddana madaxtooyada Soomaaliya ayaa VOA-da u sheegtay in kulanku uu ku saabsanaa xaaladda guud ee dalka iyo sidii madaxda dowladdu ay u muujin lahaayeen midnimo iyo wadashaqeyn, wakhtiga yar ee uga haray xilliga kmg ah.

Imaatinka Mahiga ayaa yimid wakhti ra’iisal wasaaraha cusub ee dowladda KMG ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la sugayo inuu ku dhowaaqo golihiisa wasiirada.

XS
SM
MD
LG