Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahiga oo Madaxda Puntland la Kulmay


Mahiga oo Madaxda Puntland la Kulmay
Mahiga oo Madaxda Puntland la Kulmay

Mahiga ayaa madaxda Puntland kala hadlay arrimaha ammaanka, la dagaalanka burcadbadeeda iyo argagixisada iyo dhinaca horumarka.

Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaailsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Agustine Mahiga ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland. Mr. Mahiga ayaa halkaasi kulan kula qaatay mas'uuliyiinta Puntland oo uu ka mid yahay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

shir jaraa'id oo ay labaduba ku qabteen magaalada Garowe kulankooda ka dib, ayuu Mr. Mahiga sheegay in isaga iyo madaxda Puntland ay ka wadahadleen arrimaha horumarka, Amniga, la dagaalanka burcadbadeeda iyo argagixisada iyo kaalinta ay Puntland kaga jirto arrimaha ka qeybqaadashada nabadeynta Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaatinka Mahiga ee Garowe. Madaxweyne Faroole ayaa sheegay inay kala hadleen sidii Qaramada Midoobay ay gacan u siin lahayd Puntland si ay uga guuleysto mashaakilka haysta.

Waa markii ugu horeysay ee uu ergayga Qarmaada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya uu booqasho ku tago Puntland.

XS
SM
MD
LG