Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahiga oo la Kulmay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha


Mahiga oo la Kulmay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha
Mahiga oo la Kulmay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha

Ergayga gaarka ah ee XGQM arrimaha Somalia, Augustine Mahiga ayaa Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Shariif iyo guddoomiye Shariif.

Wafdi uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee XGQM ee arrimaha Somalia Danjire Augustine Mahiga ayaa maanta gaaray magaalada Muqdishu.

Danjira Mahiga ayaa shir albaabadu u xiran yihiin wuxuu la qaatay madaxweynaha DKMG Sh. Shariif iyo guddoomiyaha baarlamaanka KMG Shariif Xasan.

Danjire Mahiga ayaa labadan mas’uul kala hadlay khilaafka haatan taagan ee ku saabsan ansixinta raisal-wasaaraha cusub, wuxuuna labada dhinac ugu baaqay inay xaliyaan khilaafka soona dadajiyaan sidii loo ansixin lahaa ra’iisul-wasaaraha cusub, wuxuuna u sheegay inay lama huraan tahay inay isku tanaasulaan oo ay wadashaqeyn dhexmarto hay’addaha dowladda Somalia.

Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada, C/rashiid Khaliif Hashi ayaa VOA u sheegay in ergaygu uu labada mas’uul soo gaadhsiiyay fariin qoraal ah oo uu uga waday beesha caalamka oo iyagu ka wel-welsan xaaladda cakiran ee haatan ka jirta Somalia.

Kulankan maanta ayaa imanaya iyadoo dhinaca kale uu baaqday kulan ay yeelan lahaayeen baarlamaanka Somalia kaasoo lagu balansanaa in codbixinta kalsoonida ra’iisul-wasaaraha loogu qaado.

XS
SM
MD
LG